Maxay Salka Ku Haysaa Dacaayadaha Isdaba Jooga Ah Ee Warbaahinta Hargeysa Qaarkeed La Daba Socdaan Shirkadda Waddaniga Ah Ee Dahabshiil Group.?

Waxa Ay Dad Badani Isweydiinayaan, Waa Maxay Ujeedada Dhabta Ah Ee Ka Dambeysa Iyo Waxa Ay Salka Ku Hayso In Mareegaha Iyo Website-yo Beeleedka Ku Abtirsada Xaafaddo Ka Mid Ah Magaalada Hargeysa Ee Beryahan Caadada Ka Dhigtay In Ay Si Isdaba Joog Ah U Baahiyaan Dacaayado Raqiis Ah Oo Lidi Ku Ah Shirkadda Waddaniga ah Ee Dahabshiil Group.? Haddaba Arrintan Markii Aannu Dabagal Iyo Baadhitaan Qotodheer Ku Samaynay, Xogo Badana Soo U Rurinay, La Isna Weydiiyyey Su’aalo Dhawr Ah, Waxa Aannu Ku Soo Ururinay Dhawr Su’aalood Oo Odhanaya Sidatan:- Ugu Horeyn Waayo Cidda Iyadu Waddaa Dacaaayadaha Isdaba Joogga Ah Ee Lidiga Ku Ah Shirkadda Waddaniga Ah Ee Dahabshiil Group,? Yaase Iska Leh Mareegaha Iyo Baraha Internet-ka Ee Dacaayadahan Lagu Faafiyo,? Waase Maxay Ujeedada Dhabta Ah Ee Ka Dambaysaa  Dacaayadahan Raqiiska Ah Ee Loo Wajahay Shirkadda Waddaniga Ah Ee Dahabshiil Group,? Yaase Maal Geliya Mareegahan Iyo Website-yo Beeleedkan Faashlayaasha Reer Hargeysa Soo Xar xariiqaan,?..

Bal Haddaba Haddaynu Isku Dayno  In Aynu Su’aalahaa Jawaabahooda  Soo Koobno Waxa Soo Baxaysa Xog Dhab Ah Oo Daaha Ka Faydeysa In  Mareegahan Iyo Website-yo Beeleedkan Ay Maalgeliyaan Shiqsiyaad Caan Ka Ah Magaalada Hargeysa Oo  Badankoodu Isku Beel Ka Soo Wada Jeedaan, Waxaana Kow Ka Ah Maamulihii Shirkaddii Total Ee Berbera Ee La Eryey Mr. Sacad Cilmi, Dr. Axmed Xuseen Ciise. Waxa Iyaguna Maalgelintan  Qayb Libaax Ka Qaata Shirkadda Isgaadhsiinta Ee Loo Yaqaan ”Dalsom” Iyo Shirkaddo Xawaaladeedyo Aan Iyana Dhawaan Magacyadooda Soo Bandhigi Doono. Dacaayadahan Loo Wajahay Shirkadda Dahbshiil Group Ayaa Waxa Si Isdaba Joog Ah Oo Maalinle Ah Loogu Soo Baahiyaa, Mareegaha, (www.almisnews.info. www.halbeegnews.com. www.arraweelonews.com,www.waaheen.com), Haddaba Waayo Ciddi Iyadu Iska Leh Mareegahan Iyo Website-yo Beeleedkan Dahabshiil La Daba Dhigay,? Jaawaabtu Waa Iska Caddaan In Beel Reer Hargeysa Ah Dahabshiil Ku Soo Duushey Dacaayadahaa Raqiiska Ahna Ay Iyadu Masuul Ka Tahay, Iyada Oo La Iska Fahmi Karo Waxa Ay Tahay Ujeedada Dhabta Ah Ee Ay Ka Leeyihiin In Shirkadda Dahabshiil Dacaayad Lagu Waxyeelaynayo Sumcadiisa Laga Fidiyo,  Laguna Wiiqo Dhaqaalaha Iyo Hantida Shirkadda Dahbshiil Group, Balse Waxa Ay Halmaansan yihiin In Dahabshiil Group Waxaa Hore Uga Gudubtey Oo Aanay Waxba Yeeli Karin Iyaga Iyo Kharkood Toona. Waxay Kale Oo Aanay Ogeyn In Haddii Arrinku Sidan Ku Sii Socdo La Weerarari Doono, Oomaar, Ina Awsiciid Iyo Rag Kale Oo Badan Malafkoodana Gacanta Lagu Hayo
La Soco Qaybaha Dambe Mar Dhaw.
By: Weriye Caroog.

Burco Somaliland

Short URL: http://somaliland24.com/?p=5166

Posted by admin on Jul 29 2012. Filed under Articles, Warka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

300x250 ad code [Inner pages]

Recent Entries

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by Netxidh Hosting