Taliyaha Guud Ee Ciidamada Booliska Somaliland Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Gacanta Ku Soo Dhigeen Dadkii Ka Dambeeyey Dilkii Xaafadda Jig-Jiga Yar Ee Magaalada Hargeysa

Hargeysa-(Somaliland24)-Taliyaha Guud Ee Ciidamada Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iiman Ayaa Shaaca Ka Qaaday In Ay Gacanta Ku Dhigeen Dadkii ka Dambeyey Falalkii lagu Khaarajiyey Laba Haween Ah Oo Dhawaan Lagu Diley Magaalada Hargeysa Gaar Ahaan Xafaddaha Jig-Jiga Yar Iyo Xafadda Calaamadaha. Taliyuhu Waxa kale Oo Uu Sheegay In Hawl Galo Ay Ciidanka Boolisku Qaadeen Ku Soo Qabqabteen 48 Dhallinayro Ah Oo Lagu Eedeyey In Ay Habeenkii Magaalada Hargeysa Dhibaatooyin Ka Geystaan, Isaga Oo Xusay In Min Laba Billood Ay Maxkmadda Hargeysi Ku Xukuntay.

Taliyaha Ciidanka Boolisku Wax Kale Oo Uu Sheegay In Ay Cagta Mariyeen Oo Gacanta Ku Soo Dhigeen Qaybo Ka Mid Ah Shabakaddihii Dadka Tahriibin Jirey, Waxaanu xusay In Ay 11 Qof Ku Soo Qabteen Hawl Galo Ay Ciidamada Ammaanku Qaadeen,  Maxkamaddina Ay kaga socoto Magaalada Gebiley, Wax kale oo uu Tilmaamay in Ciidanka Bolisku ay Reerahoodu u Celiyeen Carruur Badan oo gadhaysa ilaa 160 Qof oo Doonayey in ay Tahriiban.

Taliyuhu Wuxu yidhi”Gabadhii Mindida lagu dilay ee Xaafadda Jig-jiga Yar, Waxanu Xallay u soo qabanay Laba Nin oo ku Eedeysan Falkaasi, Ciidanku waxay soo qabteen Xallay, Halka Gabadhii lagu diley Star, Iyadana Loo soo qabtay Haweeynay Lagu Eedeyey Dilkaasi.”Ayuu Yidhi Taliye Fadal Iimaan.
Somaliland24 News Desk.

Short URL: http://somaliland24.com/?p=10340

Posted by admin on Jun 22 2013. Filed under Warka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

300x250 ad code [Inner pages]

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | Designed by Netxidh Hosting