somaliland24.com

Somaliland Oo Si Weyn Looga Xusay Sannad Guuradii 21aad Ee Ka Soo Wareegtay Madax Bannaanida Somaliland
Haegeysa- (Somaliland24)- Sannad Guuradii 21aad Ee Ka Soo Wareegtay Markii Somaliland Ka Go’day Soomaaliya Inteedda Kale  18 May 1991-Kii, Ayaa Maanta Si Weyn Looga Dabaal Degay Magaalooyinka Waaweyn Ee Somaliland. Kumanaan kun oo Qof oo dadweynaha Magaalada Hargeysa Ka mid ah, ayaa hiirtii waaberi u soo jarmaaday Garoonka weyn ee Beerta Xorriyadda, kuwaas oo calanka somaliland siyaabo kala duwan u soo xidhay, qaar dhar ka dhigtay, kuwa dalad ka dhigtay iyo qaar wajiga ku soo xardhayba. Guud ahaanba Meheradii ganacsi iyo Shaqooyinkiiba ayaa la soo wada xidhay, waxaanay waddooyinka iyo Studio-yada Magaalada ku yaalla laga wada saaray Heeso Waddaniya, iyagoo Baabuurta lagu rakibay Sameecado waaweyn, isla markaana dhallinyaradu Xaga sare ka fuuleen baabuurtaasi iyagoo lulaya Calanka Somaliland. Madaxda ugu Saraysa Somaliland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa iyagu dadweynaaha kala soo qayb galay xuska 21 guurada madax banaanidda somaliland, waxaana halkaasi hadalo kookooban ka soo jeediyey Xisbiyadda Qaranka, maayarka Hargeysa iyo wasiirka Arrimaha gudaha, waxaana soo gabogabeeyey madaxweynaha Somaliland, isagoo khudbadiisa ku soo qaaday taariikhdii Somaliland soo martay, siyaasadda uu hadda dalka ku waddo iyo mustaqbalka Somaliland .

Madaxweyne Axmed Siilaanyo  ayaa u duceeyey dadkii wax ka soo dhisay qaranka Somaliland waxa kale oo uu sheegay qolooyinka siyaasadda ee wax tirsanaya inay janiskooda iska sugaan, maadaama oo samirku fiican yahay, waxaanu xusay in isaga sideetan cod kaga tanaasulay wakhtigii doorashadii 2003dii, balse u iska samray, isagoo dardaaran faray qofkasta oo hunguri ka qabo siyaasadda hadii sidii uu doonayey u dhici waydo uu dulqaato, dantiisa ka horumariyo danta guud, isagoo somaliland ku tilmaamay qori isku dhiib maalinba nin loo dhiibayo.

Mar uu madaxweynuhu ka hadlay wada hadalkii u dhexeeyey somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi “Innagu dhinaceena wada hadalkaa intii innagaga beegnayd waynu fulinay walaaleheena Soomaaliyana waxaan ka rajaynayaa inay dhinacooda ka soo fudaydiyaan wixii ku xidhan, iyagoo qadarinaya go’aankii loo dhamaa ee beesha caalamka”

Sidoo kale, waxa uu la dardaarmay madaxda soomaaliya, oo uu sheegay inay shacabka soomaaliyeed u tudhaan, isla markaana dantooda ka horaysiiyaan danta caamka ah ee bulshadda soomaaliyeed ee ay madaxda u yihiin, isagoo sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadda ay wehelka la noqdeen shacabka soomaaliyeed.

Inkastoo sanadkan dawladdu aanay si weyn u abaabulin xuska sanadkan, balse dadka ayaa iskood isku soo abaabulay, iyadoo dhalinyaradu xalay aanay magaaladda ka seexan, iyagoo baabuur ay calanka somaliland ku xardheen la wareegayey wadooyinka magaaladda Hargeysa, qaarkoodna ku mashquulsanayeen macradada baabuurta lagu kireeyo oo ay baabuurta ka soo kiraysanayeen.

Dadweynaha qaar ayaa u haystay in maalinta jimcaha darteed dib loogu dhigay xuska maalinta sabtida, haseyeeshee, waxa ay ku waabeeristeen Hoonka baabuurta iyo sameecadda qayladda weyn ee lagu rakibay ee heesaha wadaniga ah ka baxayeen, taas ayaa keentay in dadku aad iskugu soo baxo.

Si kastaba ha ahaate, xafladdo kale oo iyana lagu weynayno maalintan ayaa caawa ka dhici doonta qasriga madaxtooyadda, iyadoo hoteladda qaarkoodna ay fanaaniintu ku dhigi doonaan bandhigyo heeso ah.

Halkan Ka Daawo Khudbaddii Uu Madaxweyne Siilaanyo Ka Jeediyey Fagaaraha Beerta Xorriyadda Ee Magaalada Hargeysa
Hargeysa-(Somaliland24)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Ayaa khudbad Uu Maanta Ka Jeediyey Munaasibadda 18-ka May Ee Fagaaraha Beerta Xorriyadda Hargeysa waxa uu kaga hadlay Xaaladda Dalka iyo Wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Khudbadda Madaxweynaha oo ka koobnayd dhawr qodob Oo kala duwan, waxa iyadoo Qoraal ah ay u dhignayd sidan; “Madaxda Sharafta Leh Ee Golayaasha Qaranka iyo guud ahaanba Shacbiga Somaliland. Waxa aan idinku salaamayaa salaanta islaamka Asalaamu caleekum Wa raxmatulaahi Wa barakaatu, Mudanayaal iyo Marwooyin. Marka hore Waxa Mahad leh Illaaheena Weyn ee innagu simay in aynu maanta u dabaal degno Xuska Munaasibadda Sannad Guurada 21aad ee ka soo Wareegtay maalinta Qarannimada Somaliland oo ah 18 MAY. Waxa mahad leh illaaha innagu galaday Guusha Qaran ee aynu Maanta hayno. Munaasibadda Xuska Maalintan Weyn waxaan Hambalyo iyo boogaadin u dirayaa Golayaasha Qaranka, Madaxda kale ee Dawladda, Ciidamada kala duwan, Shaqaalaha, Ardayda, Jaaliyaddaha debedda, Ururada Bulshada, Culimada, Madaxda dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo Dhammaanba Shacbiga Somaliland Meel kasta oo ay joogaan, waxaanan leeyahay Hambalyo—Hambalyo—Hambalyo Sannadkaa Sannadkiisana waxa aan Illaahay ka baryayaa inuu innagu gaadhsiiyo nabadgelyo, guul iyo badhaadhe iyo Qarankeena Somaliland oo sii xoogaysta siina adkaada. 18-MAY waa maalintii aynu xaqiijinay qaranka Somaliland, waa Maalintii innagoo isu-dhan oo aanay cidi innaga maqnayn gacmahana is haysanna ku heshiinay in aynu dhidibada u taagno Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Halkan Ka Daawo Khudbaddii Madaxweyne Siilaanyo

Maareeyaha Guud Ee Shirkadda Indho-deero Group Oo Munaasibadda 18-ka May Awgeed Dhambaal Hambalyo Ah U Dirtay Shacabka Somaliland.
Hargeysa-(Somaliland24)-Maareeyaha Guud Ee Shirkadda Waddaniga Ah Ee Indho-deero Group, Md. Aadan Xaaji Yuusuf Cabdi Ayaa Dhambaal Hambalyo Ah Oo Ku Wajahan Munaasibadda 18-ka May U Diray Shacab Weynaha Somaliland Ee Ku Sugan Waddanka Gudahiisa Iyo Debeddiisaba. Waxaanu dadweynaha ugu baaqay inay ilaashadaan Nabad gelyadda Dalkooda, Dhinacna uga soo wada jeestaan fal kasta oo saamayn Xun ku yeelanaya Ammaanka iyo Xasiloonidda Dalka. Maareeyuhu isaga oo ku hadlayey Magaca Shirkadda INDHO-DEERO GROUP, waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray shucuubta Somaliland oo uu u rajeeyay inay Sannadkan Sannadkiisa kale ku gaadhaan Horumar, Xasilooni iyo Barwaaqo.”Waxaan dhambaal hambalyo ah u dirayaa dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan Gobollada kala duwan ee Dalka iyo debeddiisaba Munaasibadda Xuska 21 Guuradda ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madax bannaanida Somaliland oo ku beegan Maalinta Beri ee 18-ka bishan May,”ayuu Maareeyuhu ku yidhi Dhambaalkiisa. Md. Aadan Xaaji Yuusuf Cabdi, waxa kale oo uu sheegay inay ka Xun yihiin dhacdadii 15-kii Bishan ka dhacday Xerada Soodaanta ee Magaalada Hargeysa, Waxaanu xusay inay dhambaal tacsi ah u dirayaan dhammaan dadkii ku Nafwaayay falkaasi oo uu ku tilmaamay mid Nasiib darro ah. Waxa kale oo Maareeyaha Shirkadda Indho-deero Group uu shacbiga u soo jeediyay inay ilaashadaan nabadgelyadooda.

Suldaan Xiirey Oo Faah Faahin Ka Bixiyey Dhulka La Isku Haysto Iyo Sababta Ciidanka Qaranka Loo Soo Weeraray.
Dhulka Siyaad Barre Ayaa Xoog Ku Qaatay Waxaanu Ka Dhigtay Xeryo Ciidan Iyo Zone Militery, Dawladdii Dahir Riyaalena Qayb Ayey Nin Siisay Oo Dhul Uu Ku Lahaa Xerada Qaybta Lix Iyo Labaatanaad Oo Ciidanka Qaranku U Baahday Ayey Ugu Bedeshey, Sababtaa Weeye Ta Keentay In Ciidanka La Soo Weeraro Oo Dadku Waxa Ay Leeyihiin Maadaama Dhulkii La Fara fareeyey Waa In Annagana Nala Siiiyo Baaqiga Hadhay, Waayo Dhulka Waxa Iska Lahaa Awoowayaashayo, Oo Dawladdii Siyaad Barre Ayaa Xoog Nagaga Qaaday, Kana Dhigatay Xeryo Ciidan Iyo Zone Militery. Waxa Kale Oo Suldaan Xiirey Sheegay In Hadda Xaaladdu Degan Tahay, Dadaal Badana Ka Galay Sidii Arrinta Loo Dejin Lahaa, Oo Miiska Wada Hadalkana La Isugu Iman Lahaa, Iyada Oo Aan Loo Baahnayn In Rabshado Dambe Dhacaan.

Haddaba Warka Suldaanka Oo Dhammaystiran Hoos Ka Daawo.